Ruushka ayaa gebi ahaan ba joojiyey qorshaha guddidii khubarada ahayd ee ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo muddo sannado ah kormeerayay cunaqabataynta ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.
Guddidan ayaa todobaadkii hore sheegay inay baadhayaan wararka sheegaya in Ruushku ku xad-gudbay xeerarka saamaynaya Kuuriyada Waqooyi ee ku aaddan ka iibsada hubka sida gantaallada ballistic-ga ah, si ay ugu isticmaalaan gudaha Ukraine.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn isdaba joog ah ku soo rogayey Pyongyang tan iyo 2006-dii, si gaar ah barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka.
Xayiraadahaas ayaa weli ah kuwa saran dalkaas – laakiin kooxda khubarada ah oo loo sameeyay si ay ula socdaan xadgudubyada ayaa hadda la kala diri doonaa.
Codbixintii Golaha Ammaanka ee Khamiista, Ruushka ayaa u adeegsaday awoodda diidmada qayaxan ee xubinta joogtada ah si uu u joojiyo cusboonaysiinta golahaas, halka 13 ka mid ah 14-ka waddan ee kale ee xubnaha ka ah ay u codeeyeen. Shiinaha oo ah saaxiibka ugu dhow ee Pyongyang ayaa ka aamusay isna dhankiisa.