Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee Garoowe ayaa waxaa Maxamed Farmaajo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo dadweyne farabadan.
Ujeedka socdaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo wadatashi ah ula yeelan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha Dastuurka.
Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga arrinsanaya arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo haatan ay socoto doodiisa ku aadan wax ka bedelka,
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse hadda waxay u muuqato kuwo ka mideysan mucaaradnimada Madaxweyne Xasan Sheekh.