Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada qaraxii hotelka SYL.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiin iyo dad shacab ku booqday Isbitaalka, kuwaasi oo ku wax yeeloobay weerarkii dagaalamayaasha Al-Shabaab xalay ku qaadeen hotelka SYL ee Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan, waxaana Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii Al-Shabaab ee hotel SYL.
27 qof oo isugu jira mas’uuliyiin, Askar ciidan iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday xalay hotelka SYL oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.