Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeerayΓΒ Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Maxamed Cigaal, taasi oo hortageysa Baarlamaanka kulanka maalinta berri yeelanayaan Golaha
Xildhibaanada ayaa Wasiirad Fardowsa Maxamed suΓ’β¬β’aallo ka weydiin doona dhacdadii buuqa dhalisay ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo lacagta 9-ka dollar ee laga doonayay in laga qaado dadka safarka u ah Gobolada dalka..
Γ’β¬ΕU yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda suΓ’β¬β’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.Γ’β¬Β ayaa lagu yiri fariin qoraaleed loo diray Xildhibaanada.
Dhacdada Garoonka diyaaradaha ee lagu xayiray duulimaadyada gudaha ayaa waxaa soo farageliyay RaΓ’β¬β’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isagoona fasaxay duulimaadyada oo loo joojiyo lacagta 9-ka Dollar aheyd.
RaΓ’β¬β’iisul Wasaare Xamse oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.