Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo la sheegay inuu muddo ku dhex dhuumaaleysanayay Hay’addaha Dowladda.
Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley isaga oo sida la tilmaamay Al-Shabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro.
“Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta falalka†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa digniin u dirtay cidkasta oo la shaqeysa dagaalamayaashaAl-Shabaab, iyagoona sheegay inay ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed.