Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Federaalka ee jooga isgoyska Siinaay ee Muqdisho ayaa goor dhow toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dad shacab oo banaanbax looga horjeedo Maamulka Gobolka Banaadir ka waday halkaasi.
Askari joogay isgoyska ayaa lagu soo warramayaa inuu dilay wiilka dhallinyarada ahaa, waxaana intaas kadib goobta ka bilowday banaanbax kale oo ay dhigayaan dad ka careysan dilka loo geystay wiilka.
Banaanbaxayaasha ayaa xiray isku socodka gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay wadada marta isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, iyagoona wadada ku gubaya taayaro waaweyn, sidoo kalena jidka dhigay dhagxaan iyo biro.
Illaa iyo hada ma jiro Saraakiil kamid ah kuwa laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo gaaray halka uu ka socdo banaanbaxa ay dhigayaan dadka ka careysan dilka loo geystay wiilka dhallinyarada ahaa.