Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay si loo xaqiijiyo dowladnimo casri ah oo ka taabagasha dalka in loo baahan yahay jid ka duwan kii hore in aan qaadno.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in hannaanka casriyeynta dowladnimada Soomaaliya uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya hannaanka shaqo iyo maamul ee dalka.
Wuxuu tilmaamay Xamse Cabdi Barre in si hadafkaas looga miro-dhaliyo loo baahan yahay in shaqooyinka iyo heerarka kala duwan ee dowladda lagu saleeyo aqoon, karti iyo tartan daah-furan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xafiiska Ardaaga Casriyaynta Dowladnimada noqdo madal lagu karkariyo aragtiyaha, loogana doodo afkaaro horumarinaya hannaanka dowladnimo ee casriga ah, isaga oo kula dardaarmay khubarada ka shaqeynaysa ardaaga aqoontii ay soo barteen u gudbiyaan hey’adaha kale ee dowladda.