Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa u dhoofay dalka magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib Casuumad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.
Madaxweyne Isayas Afwerki ayaa subaxnimadii hore ee maanta waxa uu u ambabaxay dalka Masar oo uu booqasho rasmi ah qaadan doono muddo saddex maalmood ah.
Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa ka wada hadli doona sare u qaadida xiriirka labada dal iyo arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha labada dal.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Cismaan Saalax, Wasiirka Arrimaha Dibadda.