Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney ku eedeysan inay Ninkeeda ku gubtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray Taliska ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in haweeneyda oo maalmihii lasoo dhaafay ay baadi goob ugu jireen laamaha amniga laga soo qabtay degmada Yaaqshiid, isla markaana lahor geyn doono cadaalada.
Eedeysanada oo lagu magacaabo Muno Aweys Xuseen ayaa 16-kii bishaan February 2024 Ninkii qabay ku gubtay magaalada Muqdisho, iyadoona falka kadib baxsatay, hayeeshee howlgal ay sameeyeen ciidanka ammaanka ay kusoo qabteen.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay  Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay. Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh†ayaa Qoraalka Booliska lagu yiri.
Muddooyinkan dambe ayaa waxaa Muqdisho iyo magaalooyinka kale oo ka tirsan dalka kusoo badanayay falal ay dadka Soomaaliyeed aad uga naxeen, kuwaasi oo isugu jiray dilal iyo gubis, waxaana weli aan la aasin dad la dilay iyo kuwo la isugu daray gubis iyo dil, dadkaasi ayaana eheladooda ay dalbanayaan cadaalad.