Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa Maanta oo jimco ah ka socda degaan lagu magacaabo Jiic-Boor oo ka tirsan gobolka Mudug, dagaalkaasi ayaana lagu soo warramayaa inuu yahay mid xooggan oo hub culus la isku adeegsanayo.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dhexmaraya maleeshiyaadka hubeysan, kuwaasi oo sida la tilmaamay kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug gaar ahaana Galdogob iyo Bandiiradley.
Inta la xaqiijiyay lix ruux oo labada dhinac ah ayaa ilaa iyo hadda ku geeriyooday dagaalka, isla markaana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 15 kale, dhaawacyada ayaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla meelo ku dhow aaga uu ka socdo dagaalka.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkan Maanta dhexmaraya maleeshiyo beeleedka uu ka dambeeyay, kadib markii maleeshiyaad ka yimid dhinaca Bandiiradley ay afduubteen haweeney iyo carruur ay dhashay oo ka soo jeeda degaanka Galdogob.