Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/qaadir Ali Ibrahim “Baqdaadi†oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay dalka Sacuudiga waxa uu shalay la kulmay Wasiirka Xajka ee dalkaasi, Dr. Bandar Bin Maxamed Xajar.
Wargeyska Alriyadh ayaa qoray inay Labada Wasiir kulan ku yeesheen caasimadda dalkaasi ee Riyadh, kana wada hadleen Xiriirka Labada Waddan iyo qoddobo kale.
Kulanka Labada Wasiir waxaa kaloo lagu soo qaaday arrimo la xiriira Dadka Soomaalida ee soo xajinayo.
Wargeysku faahfaahin kama bixin nuxurka Qoddobkaasi iyo haddii ay jiraan Go’aano khuseeya Xujeyda Soomaalida ee sannad kasta Sacuudiga u taga si ay u soo gutaan Waajibaadka Xajka iyo Cumradda.
Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga waxay aad u xakamaysay Tiradda Xujeyda sababo dhinaca Ammaanka iyo Saxmadda la dareemo Dawaafka Xujeyda ee Xilliyadda la gudanayo Waajibaadka Xajka ee sannadkiiba.
©Radio Dalsan     Â