Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya lagula beegsaday bar kontorool oo ku taalla xudduudka Kenya iyo Soomaaliya.
Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya oo ay aragtay Wakaalladda Wararka AP, ayaa lagu sheegay in Gaariga uu watay Labo Dameer uuna la socday Nin uu ka gudbay Koontaroolka ay Soomaalidu ku leedahay Buula Xaawo, kadibna uu galay Dhulka Kenya, halkaasoo ay ku joojiyeen Askarta si ay u hubiyaan rarka saaran.
Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa qaraxa ku dhintay, halka afar kalena dhaawacyo halis ah soo gaareen, kuwaasi oo durbadii loola cararay mid kamid ah Xarumaha Caafimaadka ay leeyihiin ciidamada.
Guddoomiyaha kenya u qaabilsan Ismaamulka Mandheera Onesmus Kyatha oo Warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano, isagoo xusay inay aaminsan yihiin in qaraxa uu ahaa mid meel fog laga hagayay.
Si kastaba qaraxii ka dhacay barta kontorool ee ku taalla xudduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo marar badan sidaan oo kale qaraxyo khasaaro dhaliyay ula beegsatay ciidamada Kenya.