Masuuliyiinta ka tirsan Hay’adaha ammaanka iyo hormuud waxa ay kawada hadleen sidii loo xoojinlahaa kawada shaqaynta danta guud si waafaqsan Shuruucda Dalka.
Kulanka waxaa xal looga gaaray caqabado taagnaa kuwaas oo loo xaliyay si ay ku jirto masxalada Guud ee dalka, waxaana kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagantahay ilaalinta Amniga iyo badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga†ayaa lagu yiri Qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda.
Dhawaanahaan xarumaha ay leedahay Shirkadda ayaa Qaraxyo lala beegsaday, waxaana shirkadda laga xiray qaar shaqaalaheeda ka mid ah sida ay sheegtay.
Sidoo kale NISA ayaa dhawaan Hormuud ku eedaysay in Shaqaalaheedu ay AL-Shabaab la shaqeeyaan, ayna shirkaddu diiday in la baaro dadkaasi.