Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka ambabaxay Garonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Madaxeynaha iyo wafdigiisa ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eriteriya, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Eriteriya mudane Isaias Afwerki.
Madaxtooyada Soomaaliya faah faahin intaa dheer kama aysan bixin socdaalka Madaxweynaha, balse socdaalkiisa ayaa imaanaya iyadoo Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay mid aad u kacsan, kadib hesiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland.