Shirkada UK ugu qaabilsan Ammaanka Baddaha ee (British maritime security firm Ambrey) ayaa sheegtay in Markab Xamuul shalay oo Khamiis ah lagu qafaashay meel 458 nautical miles dhanka K/Bari kaga toosan Xeebta Degmadda Eyl ee Bariga Somalia.
Ilaa 6 qof oo hubeysan ayaa la sheegay inay qafaasheen Markabkaasi oo Calanka dalka Liberia ka dul-babanayo (Liberia-flagged bulk carrier).
Hadalka ka soo baxay Shirkadda UK ugu qaabilsan Ammaanka Baddaha ee AMBREY ayaa lagu xusay in Markabka la qafaaahay uu ku wajahnaa Dekedda Khalifa Bin Salman ee dalka Baxrayn.
Afduubashada Markabkan ayaa kusoo beegmay, iyadoo horey kooxaha burcad badeedu ay u afduubteen Markab iyo dhowr doonyood oo kalluumaysi, kuwaas oo lagu haysto meelo katirsan biyaha Soomaaliya.
Burcad badeedda ayaa dalbatay malaayiin dollar oo madax furasho ah, iyadoo haatan lagusoo waramayo inuu wadahadal u socdo burcad badeeda iyo mulkilayaasha mid kamid ah maraakiibta lagu haysto xeebaha Soomaaliya.