Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.
Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalka Ethiopia, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ethiopia.
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhiggiisa Itoobiya kala hadli doona arrimo dhowr ah oo qeyb ka yihiin sii xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, arrimaha iskaashiga ciidamada.
Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxda katirsan dowladda Ethiopia iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.