Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Uqeybsanaha Arimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya G/sare BariÅŸ bulut.
Taliyaha iyo Uqeybsanaha Arimaha Ciidanka ee dowlada Turkiga ayaa ka wada hadlay Xoojinta tababarada iyo Qalabeynta Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
BariÅŸ bulut ayaa waxaa uu Taliye Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin u sheegay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dowlada Turkiga ayaa ka Mid ah Dowladaha ka qeyb qaata dhismaha iyo tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana dalkaasi tababar kusoo qaatay kummanaan Askari oo kamid ah ciidamada dowladda Federaalka.