Ciidanka Hoggaanka Baarista Dambiyada dowlad goboleedka Puntland ee katirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox ka tirsan Daacish oo Qaraxyo ku diyarinayay Magaalada Boosaaso.
Ciidamada ayaa sheegay inay fashiliyeen Miino ay kooxda Daacish dooneysay iney ku la beegsadaan shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Bulsho iyo shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan.
Hay’adaha amaanka ayaa intaasi kud aray in howgal ay ku qabteen qaraxaasi oo ay xogtiisa heleen.
Ciidanka Boliiska Soomalaiyeed, labadiisa heer ee Dowlad Goboleedyada iyo Kan Dowlada dhexe ayaa howgallo wadajir ah sameeya, kuwaasi ka dhan ah falalka amniga liidka ku ah.