Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Ceeldheer lagu dilay xubno isugu jiray saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ciidamadda dowladda oo ay wehliyaan ciidamadda deegaanka oo haystay xog ay la so wadageen Bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa fuliyay holwgal qorsheysan oo ka dhanka ahaa Al-Shabaab, waxaana la sheegay in gacanta lagu dhigay sarkaal lagu magacaabo Cabaas Garoobshe.
Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa la tilmaamay inay dileen dagaalame magaciisa lagu soo gaabshay ilkacase.
“Ciidanka Bariga Galguduud waxa ay Maanta ka hawlgaleen gudaha Ceeldheer, halkaas joogay qaar waa dileen, kuwo nolasha ayay ku soo qabteen kuwana waa dhaawac, Dhul ninkiisa ayaa leh! Guulaysta, alle ayaa mahadsan†ayuu yiri Wasiirka Al-cadaala.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen Al-Shabaab howlgalka lagu qaaday.