Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Urdun oo ka hadlay kulankii W.A.D ee Carabta iyo dhigooda Maraykanka ku yeesheen Cammaan ayaa waxa uu cambaareeyey Xasuuqa ba’an ee lagu hayo dadka Reer Falastiin ee ku nool Qasa iyo Daanta Galbeed ee Falastiin.
Waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Carabta, Beesha Caalamka iyo Quwadaha waa weyn inay ka shaqeeyaan XJJ magaalladda Qasa ee go’doonsan.
Boqorka dalka Urdun ayaa waxa uu ayiday diidmada ku aadan isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ee Falastiin.
Waxa uu ku celceliyey cawaaqib-xumida laga dhaxli karo haddii uu sii socdo dagaalka Falastiin iyo Israel, isla markaana aan Xal Milliteri lagu dhamayn karin dagaalka, wuxuuna ka digay inuu Dagaalka ku sii faafo guud ahaan dalalka Mandiqada Bariga Dhexe.