Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta oo sabi ah waxa ay xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu helay dil bareer ah kal hore ka geysteen duleedka degmada Bursalaax ee gobolka Mudug.
Ragga la xukumay ayaa lagu helay dembi ah inay dil haweenay kamid aheyd dadka deegaanka, waxaana la sheegay inuu falkaasi ka dhacay duleedka Bursalaax, iyadoona mid kamid ah raggaasi uu qabay gabadha la dilay.
Maxkamadda oo go’aankan soo saartay maanta, kaddib afar fadhi oo kiiskan ay ka yeelatay ayaa sidoo kale sheegtay inuu furan yahay racfaan 30 berri ah.
Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxa ay xukuno isugu jiray dilal iyo xabsi ah.