Maamulka Mauritania ayaa arday dhigata dugsiga sare ku soo oogay dacwad dil ah oo suurtagal ah kadib markii ay ku jeesjeesay diinta Islaamka oo ay ku muujisay warqadeeda imtixaanka.
Gabadhan ardayada ah ayaa la xiray toddobaad ka hor, waxaana falka ay ku kacday lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu jeesjeesay Nebi Muxamed NNKH.
Waxaa la sheegay in haddii ardayga lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay, in lagu xukumi karo dil racfaan ah.
Dalka Mauritania ee dhaca galbeedka Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu xoojiyey sharciyadiisa ku aadan ciqaabta dadka geysta falalka lidka ku ah diinta Islaamka.