Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uusan dooneynin inuu sameeysto wax muddo kororsi ah, ayna taasi qorshaha ugu jirin.
Agaasimaha Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweynaha uu qorsheynayo in afarta sanno ee uu xafiiska joogo inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, isla markaana ku darsasho dhanka Federalka ah aysan jirin.
Agaasime Xuseen Sheekh ayaa tilmaamay in nidaamkaan qorshaha muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah looga dhigayo 5 sano, uu yahay mid loogu talo galay dowladda ka dambeysa dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Baarlamaankiisa mandate-kooda waa afar sano, afartaas sano ayay dhameysanayaan, ku darsasho dhanka federalka ah ma jirto. Haddii 5 sano laga dhigana, waxay ka bilaabanaysaa Dowladda soo socota,†ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Isaga oo sii hadlaayay Xuseen Sheekh ayuu carrabaabay in dowladda ay diyaar u tahay in ay dhegaysato cid kaste oo aragti ka qabta heshiiska qaab dhismeedka doorashooyinka, isagoo sheegay madaxweynuhu inay ka go’an tahay inuu dalka ku maamulo wadatashi iyo isqancin.
Shirka madaxda dowladda, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii labaad, waxaana looga hadlayaa xaaladda dalka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.