Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Haegeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta howlaha baaxada leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ubaahan in si wadajir ah ay ugu wada shaqeeyaan labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.
Guddoomiyeyaasha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyoรย Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku balamay in dib la isugu soo laabto kulan kale oo muhiim u ah shaqada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa berri kulan leh labo maalin oo uu baaqday fadhiga Golaha Shacabka , iyadoo ajandaha kullanka berri ee lala wadaagay Xildhibaannada lagu wargeliyay; Hadal jeedinta Guddoomiyaha, dhaarinta wasiirrada cusub iyo qeybta ajandaha kalfadhiga 3aad ee Golaha Shacabka .