Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday madaxweynaha Puntland, ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.
Ujeeddada socdaalkan ayaa lagu sheegay inay isku dayayaan siyaasiyiintan in Boqor Burhaan Boqor Muuse uu tago Garoowe, halkaa oo sidoo kale ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Isimmada Puntland, si uu u qabsoomo kullanka Isimmada.
Kulankaasi ayaa waxaa waxaa lagu doonayaa in xal loogu helo khilaafka ka dhashay furista Dastuurka iyo hannaanka doorashada , markii ay hoos u dhacday rajada laga qabay inuu kulanka xilli hore qabsoomo.
Dadaallada labadan siyaasi oo muddo ka badan toddobaad ku sugan Puntland , ayaa sidoo kale ku aaddaya xilli la sheegay Xukuumadda iyo guddoonka Golaha wakiillada Puntland inuu halkiisii u joogo qorshaha wax ka beddelka Dastuurka , waqtiga ay ku ballameena Baarlamaanka wax ka beddelka Dastuurka ayaa ku eg 21 bishan July.