Warbaahinta Dowladda Iran ayaa waxa ay maanta oo sabti ah sheegtay in xukun Daldalaad ah lagu fuliyey 2 Nin oo ku eedeysan inay maalgeliyeen weerar lagu dilay 13 qof oo ka dhacay Macbadka lagu cibaadaysto ee Shah Cheragh oo ku taalla magaalladda Shiraz ee Koonfurta dalkaasi bishii October ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Labada Eedeysane ayaa waxaa saakayto lagu daldalay isla magaalladii ay dadka ku laayeen.
Hay’adda Garsooorka dalkaasi ayaa waxa ay labada Eedeysane ku soo oogtay Taageerida Fasahaadinta Dhulka , weerar hubeysan iyo Falal lid ku ah Amniga Qaranka.
Labada Eedeysane ayaa waxaa lagu sheegay inay si toos ah ugu lug lahaayeen Hubeynta, Hagida iyo Loojistikada Dembiilihii madaxda u ah Kooxihii geystay Weerarkaasi.
Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi oo dhacay bishii October 26-dii ee sanadkii hore ee 2022-kii.