Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Bare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) Saraakiisha ciidanka Amniga iyo mas’uuliyiin kale ayaa caawa Degmada Kaaraan uga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu muujinayay isbadalka amni ee kajira Caasimadda iyo sidoo kale mahadcelinta Ciidamada Qaranka.
Munaasabadan oo ka dhacday goob fagaara ah oo ku taalla duleedka Muqdisho ayaa dadkii madasha ka hadlay waxaa kamid ahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo si ficil ah uga qeyb qaatay ka hortagga falalka amni darro, kuwaas oo ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka Amniga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay ciidanka amniga sida ay uga go’an tahay ka hortagga iyo xoojinta xasiloonida Caasimadda.