Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iibisay kalluun si sharci darro ah looga kalluumeystay xeebaha soomaaliya taas oo ay soo dalbadeen Sedax shirkadood.
Maxkamadda ayaa sameysay sharuudo iyo hanaan loo marayay iibinta kalluunkaan, waxaana shirkadaha kala ah Fatwo Fiish iyo Sardiin Fish ay buuxin waayeen sharuudaha sidaasi darteed Somali Seafood ayaa ku guuleystay in laga iibiyo kalluunka kadib markii ay buuxisay dhammaan hannaankii loo qabtay.
Sida waafaqsan sharuucda dalka ayey Maxkamadda gobolka Banaadir, ku iibisay kalluunkaasi sida sharci daradda ah looga jilaabtay xeebaha dalkeena, halka 36 eedeysane oo watay iyo labba , ay sugayaan in ay wajahaan cadaaladda, ayada oo lacagta lagu iibiyay kalluunka ay ku jirto qasanadda maxkamadda gobolka isla markaana lala sugayo xukunka.