Inkastoo Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe†ku soo caan baxay Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan, siiba Ururkii Xisbul-islaam, ayaa waxa uu haatan u muuqdaa Hoggaamiye ka damiir Wanaagsan  Madaxda kale ee ay jaalka ku yihiin Maamulka Siyaasadda.
Axmed Madoobe ayaa lagu tilmaami karaa Hoggaamiye Nabad-doon ah, isla markaana aad u qiimeeya Waddaniyadda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu kaalin muhiim ah ka qaatay sidii loo damin lahaa dagaal-siyaasdeedkii ka dhacay magaalladda Gaalkacayo, wuxuuna dadaal xooggan u galay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, oo iyagu horey ugu coloobay Siyaasadda.
Madaxweynaha Jubbaland waxa kaloo uu ku guuleystay inuu shaqsi ahaan la heshiiyo dhigiisa K/galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaga la sheegay inuu ka caraysan yahay  Maamulka Bakool Sare ee laga dhex dhisay qeybo ka mid ah Gobalka Bakool.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Axmed Madoobe xusul-duub ugu jiro sidii ay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda isugu tanaasuli lahaayeen, Isku fahmi lahaayeen, iyo sidii ay Aragti Mideysan uga yeelan lahaayeen Mustaqbalka Somalia.
Siyaasiga Axmed Madoobe waxa uu maanta ku tallaabsaday Go’aan Geesinimo iyo Waddaniyad xambaarsan, kadib, markii uu ka shanqariyey in Calanka Somalia mooye dhamaan Calamadda Dowlad-gobaleedyadda iyo kuwa Beesha Caalamka laga wada saaro Madasha uu ka socdo Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka ee magaalladda Kismaayo.
Waa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ee ku dhiirada in Muuqaalka Madasha Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka laga dhigo Madal Qaran, isla markaana Calanka Qaranka oo keliya laga taago.
Madaxda kale ee ka qeyb galayo Shirka Wada Tashiga Qaranka ee ka socda magaalladda Kismaayo ayaa u riyaaqay Go’aankaasi, inkastoo ay u arkaan Tallaabadda Madaxweynaha Jubbaland qaaday mid uu uga dan leeyahay Bandhig Siyaasadeed iyo inuu ku kasbado Sumcadda saamayn ku yeelan karta Shaqsiyadiisa iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed.
Go’aanka Axmed Madoobe ayaa lagu tilmaami karaa Ra’yi Qaran oo uu ku soo beegay Madal Qaran oo uu gogosheeda dhigay.
Madaxweyne Madoobe waxaa kaloo lagu xusuustaa inuu Kulankii Golaha Wada Tashiga Qaranka ee bartamihii bishii hore lagu qabtay magaalladda Muqdisho  ka dhawaajiyey inay Madaxda Soomaalida joojiyaan Luqadda Englishka ee ay ku hadlayaan, isagoo ku booriyey inay ku hadlaan Luqadda Soomaaliga, maadaama uu Shirku khuseeyo dadka Soomaalida.
Waxaana uu ku sii kaftamay inaan Baaqiisa loo turjumanin inuusan ku hadli karin Luqadda Englishka, wuxuuna hadalkaasi ku kasbaday Taageeradda Madasha iyo guud ahaan Soomaalida maqashay Baaqiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Soomaalida waxay badankooda jecel yihiin inay ku hadlaan Luqadaha Shisheeyaha ama ay hadalkooda ku barxaan, iyadoo Hab-dhaqankaasi meel-ka-dhac ku yahay Qiimeynta Afkeenna Hooyo, xilli laga digayo inuu Afka Soomaaliga ka mid yahay Luqaddaha Caalamka ee khatar ugu jira inay dabar-go’aan.
©Radio Dalsan