Ururka 4aad Guutada 16aad kumaandooska Danab iyo ciidamada dib uxoreeynta deegaanada ayaa maanta howlgalo ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado deegaanka budbud ee Gobolka Galgaduud.
Goobaha maanta laga sameeyay ee hawlgalka waxaa ka mid ah tuulada xiintumaal iyo ceelal laga cabo biyaha kuwaas oo ku yaalay dhulka howdka ah waxana gabi ahaanba isaga baxay Al-Shaabab, halka hada ay ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka somaliyeed oo maanta gaaray tuulooyinkaas.
Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali “Madaale-qaran” oo hogaaminayay howlgalka, ayaa sheegay inay kuraad joogaan xubno ka tirsan alshabaab.