Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday rasaas iyo bam gacmeedyo ku qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso, ee Puntland, iyada oo weerarkaasi uu geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba.
Goobjoogayaal ku sugan meheradda weerarku ka dhacay ayaa sheegay in kooxda weerarka fulisay, inay markii hore toogasho ku dileen waardiyihii, iyaga oo markaas ka dib bambooyin ku tuuray gudaha meheradda.
Intaas kadib, waxaa dab xooggani ka dhashay bambooyinkii lagu tuuray meheradda, kaas oo khasaare hantiyeed oo xooggan u geystay meheradda. Sidoo kale waxaa waxyeello kala duwani soo gaadhay qaar ka mida shaqaalaha meheradda, oo qaarkood ay ku neefqabatoobeen dabkii xoogganaa ee ka bilaabmay meheradda.
Meheraddan laga dukaamaysto oo lagu magcaabo al-Macruuf Supermarkets, ayaa ka mida dukaanada ugu waaweyn ee ku yaalla magaalada Boosaaso ee laga dukaamaysto.
Laamaha ammaanka iyo ciidamada dab-damiska ayaa u soo gurmaday meheradda, si ay u xakameeyaan dabka, si aanu ugu faafin dhismayaasha kale ee ku hareeraysan.
Illaa haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.