Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo saraakiil ayaa maanta gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Galmudug, oo ay wehliyaan Xildhibaanada kala ah Cabdisamad Macallin Maxamuud, Ilyaas Sheekh Axmed, Sanatar Cabdixakiin Macallin Axmed iyo masuuliyiin kale oo socod ku maray magaalooyinka Wisil, Hobyo ilaa Xarardheere ayaa saaka kormeeray fariisimaha ciidanka iyo xarumaha bulshada ee Magaaladaas.
Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Xarardheere ku soo dhaweeyay masuuliyiinta.