Maamulka Somaliland ayaa War cusub kasoo saaray dagaalka xooggan ee maalintii 7-aad oo xiriir ah ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo kuwa Maamulka Somaliland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xabad-joojintii ay ku dhawaaqeen ay jebiyeen kooxo ay sheegeen inay kusoo duuleen nabad-galyada iyo xasilooni Laascaanood, gaar ahaan xeryo ay ku sugnaayeen ciidanka Somaliland.
Waxaa ay sheegeen Somaliland in weerarka lagu soo qaaday ay iska difaaceen, isla markaana dagaalka u dhexeeya ciidankooda iyo ciidanka deegaanka uu weli socdo, iyagoona tilmaamay inay ixtiraamayaan xabad-joojintii ay hore ugu dhawaaqeen.
“Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday kuna cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda.â€
Sidoo kale waxa lagu xusay qoraalka in xukuumadd ahaan ay cadaynayaan in shacabka Laascaanood ay lamid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, hase yeeshe ay xiisada kusoo dhex dhuumanayaan kooxo argagixiso ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa ay la socod-siisay bulshada reer Somaliland, Besha caalamka iyo guud ahaan Soomaalida in weli xabad-joojintii bilaa shuruud ah aheyd ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.
In ka badan 60 qof ayaa ku dhintay dagaaladii ka dhacay Laascaanood, halka 150 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalada halkaas ka socda, kumanaan qof kalena waxaa ay ku barakaceen Colaada Laascaanood oo maanta gashay maalintii 7-aad oo xiriir ah, ciidanka deegaanka ayaa dagaal culus kula jira ciidanka maamulka Somaliland.