Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday dardargelinta wejiga labaad ee Shirka dib u heshiisinta Koonfur Galbeed, maadaama uu soo xirmay wejiga koowaad ee Shirka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo furmaya.
Sida uu qarshahu yahay wejiga labaad ee Shirka ayaa looga arrinsan doonaa hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo Al-Shabaab.