Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta KGS iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.
Kulankaan oo ka dhacaay magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka socda magaalada, isla markaana looga hadlayo arrimo kala duwan oo ay kamid tahay xal helida khilaafka doorashada.
Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madasha Samatabixinta iyo Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed ayaa waxay diirada ku sareen sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uu u guleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo shalay la kulmay odayaasha dhaqanka, ayaa wuxuu u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.