Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo waaberigii hore ee saaka oo Jimco ah lala beegsaday gaari uu saarnaa Taliyihii Nabadsugida ee NISA ee Gobolka Gedo Cadiraxmaan Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaanay Bakaal Kooke.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Taliye Bakaal Kooke lagula eegtay inta u dhexeeysa Luuq iyo degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxaana qaraxa uu haleelay gaari ciidan oo uu watay Taliyihii Nabadsugida ee Gobolkaas oo kusii jeeday Doolow.
Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kale oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo saaray Askar Ciidan oo la socotay Bakaal Kooke, iyadoona weerarka kadib uu dhacay dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxii dhacay uu kamid yahay Taliyihii hore ee Nabadsugida magaalooyinka Beledxaawo iyo Dooloow C/llaahi Kiniini, kaasi oo dhaawacmay, kamid ahaa dadkii la socday Bakaal Kooke.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxaa ay tilmaameen in weerarka ay ku furteen hub, iyagoo intaas kusii daray in mudo ay ku raad joogeen saraakiishan ay beegsadeen.
Si kastaba, marxuum Bakaal Kooke ka sokow inuu ahaa taliyihii Nabad Sugida gobolka Gedo, waxa uu sidoo kale ahaa wakiilkii dhamaaa ee gobolkasi Gedo ee dowladdii Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ilaa waayadaan danbe ay muuqatay saameyntiisa.