Xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garowe waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad lagu daawaday gaadiid uu farsameyey wiil yar oo lagu magacaabo Guuleed Aadan Cabdi oo 13-jir ah.
Bandhigaasi waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas, Ku-xigeenkiisa, C/xakiim Xaaji Cumar Cameey, Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo Mas’uuliyiin kale.
Guuleed Aadan Cabdi oo arday ka ah Dugsi ku yaalla Degmadda Buuhoodle, waxa uu Madasha ku soo bandhigay noocyadda Gaadiidka ee uu isku rakibay, kuwaasi oo isugu jiray gawaarida xamuulka ee Waaraadka, Iska-rogaha, Bajaaj iyo Diyaarad.
Gaadiidkaasi ayaa waxa u dhamaystirnaa agab kasta oo u muhiimka ah, sida Kuraasta, Layrarka iyo farsamooyinka kale.
Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas waxa uu bogaadiyey Wiilka yar, wuxuuna Rabbi uga baryey inuu cimrigiisa, maskaxdiisa, dadaalkiisa iyo farsamadiisa barakeeyo.
Waxa uu ku dhiirigeliyey inuu sii kordhiyo dadaalkiisa waxbarashadda, si uu Mustaqbalka uga miro-keeno Hal-abuurkiisa Farsamo.
©Radio Dalsan Â