Waxaa xalay xaafaddo ka tirsan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay laga sameeyay howlgalo lagu soo qab-qabtay dhowr qof oo u badan dhallinyaro looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.
Howlgalka laga fuliyay Baydhabo oo ay sameeyeen Ciidanka Nabadsugida Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah looga fuliyay xaafaddaha kala ah Isha, Bardaale, Horseed, Holwadaag iyo laamahooda kala duwan ee xaafadahaas maagaalda Baydhabo.
Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa Ciidanka Nabadsugida ay su’aalo la xiriira dhanka weydiinayeen dhallinyarada, waxaana haatan baaritaano ay ku socdaan ragga lasoo qabtay, iydaoona howlgalka uu sameeyay isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga.
Saraakiisha Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ujeedka howlgalka uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka caasimadda KMG ah ee Maamulka, si looga hortego falal amni darro ah oo mararka qaarkood ka dhaca halkaas.
Marar kala duwan oo hore ayey sidaan oo kale Ciidanka Amniga Koonfur Galbeed howlgalo qorsheysan oo dad lagu soo qab-qabtay uga sameeyeen xaafaddo ka tirsan Baydhabo, oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan iyo weeraro oo ay geysteen rag hubeysan.