Dowladda Jabuuti ayaa Maanta oo khamiis ah gurmad daawooyin ah soo gaarsiisay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu tala-galay in lagula tacaalo xaaladda Caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Diyaarad sidday Deeq daawo ah iyo dhaqaatiir ka socotay Jabuuti ayaa kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Garoonka dhaqaatiirta kusoo dhaweeyay Guddiga Gurmadka qaraxii 29-October ee uu magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliy.
Wafdiga ka socday Jabuuti ee gurmadka soo gaarsiiyey dowladda Federaalka ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Waxbarashada ahna sii- Hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyadda Djibouti Mustafa Maxamed Maxamuud.
Guddiga Gurmadka qaraxii 29-October ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyey taageerada iyo Deeqda ay keentay Muqdisho, si loogu daaweeyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobe2, kuwaasi oo xaaladdooda Caafimaad la dabiibayo.
Shalay ayey aheyd markii dowladda Turkiga ay Muqdisho ka qaatay 4 qof oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmyada qaraxyadii 29-kii October 2022, waxaana dadkaas oo xaaladdooda halis aheyd lagu qaaday diyaarad Caafimaad oo Turkiga soo diray.