Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 11-aad.
War-saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul wadatashi ka yeesheen furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka.
Labada Guddoomiye ayaa isku raacay in si rasmi ah kalfadhiga 2-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka u furmo 15-ka bisha soo socota ee November 2022, oo ku beegsan maalin talaado ah, sida la shaaciyay.
Xildhibaanada iyo Senotarada ku maqan fasaxa ayaa waxaa laga dalbaday inay fasaxa kasoo noqdaan, isla markaana ay isku soo diyaariyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo ee laga doonayo.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka lasoo saaray