Waxaa garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku kula wareegay Fatima Abdullahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018, Fatima waxaa lagu helay eedaymo ay ku eedayeen Dacwa oogista dalka Kuwait, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, xarigaas oo ugu dambayn Amiirka dalka Kuwait ka cafiyay kala bar.
Dadaal dheer iyo xiriiro uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha iyo hay”adaha kale ay khusayso la sameeyeen dalka Kuwait waxaa suurta gashay in taariikh 10 Oct 2022 dalka dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, si ay wadanka ugu qaadato inta u dhiman xarigeeda.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu matalayay Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Yaxye Maxamuud Siciid ayaa muwaadinaddan kula wareegay garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde, waxaana uu ugudbiyay Xarunta Denbi Baarista Dalka ee CID si arrinkeeda sharciga loo waafajiyo.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go’an in dhammaan dalka dib loogu soo celiyo muwaadiniinta ku xiran daafaha caalamka, waxaana jira dadaalo ku aadan arrintaas oo uu wado xafiisku.