Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale waxaa degmada kusoo dhoweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha Hay’addaha Amaanka, Waxgaradka, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen, waxa uuna sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu ka shaqeyn doono adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa inta uu joogo Degmada waxa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.