Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee uu Magacaabay Madaxweynaha ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday†ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.