Dawladda Hindiya ayaa la baaxaa degaysa sidii ay u xakameyn lahayd cadhada diplomaasiyadeed ee ka imanaysa dalalka Islaamka taas oo ka dhalatay hadallo aflagaado xambaarsanaa oo laga sheegay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, taas oo ay ku kaceen laba sarkaan oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya ee Hindu nationalist Bharatiya Janata Party ee loosoo gaabiyo BJP.
Sucuudi Careebiya, Kuwait, Qatar, Cumaan, Isutagga Imaaraadka Carabta, Iran iyo Pakistan ayaa diiwaangeliyay mudaaharaadyo looga soo horjeedo hadaladii deel-qaafka ahaa ee ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga qaran ee BJP intii lagu guda jiray dood si toosa loogala socday telefishanada dalkaas.
Dhawr ka mid ah wadamadan ayaa u yeedhay safiirrada Hindiya u fadhiya dalalkooda, si ay u cambaareeyaan hadalada deelqaafka ah ee ka soo yeedhay masuuliyiinta dalka Hindiya. Wadamada Islaamka ayaa hadalladaas deelqaafka ah ku tilmaamay inay salka ku hayaan Islaam nacayb. Dalka Qatar ayaa Hindiya ka dalbaday inuu raalligelin buuxda bixiyo.
Dhacdadan ayaa weji gabax ku noqotay, wefti ka socda dawladda Hindiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo ganacsato kala duwan oo safar ku jooga dalka Qatar.