Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)Â ayaa maanta dib ugu soo noqday Dalka, kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa garoonka Aadan Cade ee  Muqdisho kusoo dhaweeyay madax kala duwan oo isugu jirtay Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulada Degmooyinka.
Duqa Magaalada Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu Warbaahinta kula hadlay qeybta V.I.P, isagoo ka warbixiyay heshiishkii ay wada gaareen dowladda hoose Konya ee dalka Turkiga iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho
Heshiisyada uu Guddoomiye Cumar Filish lasoo galay Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga MR.ibrahim uğur altay ayaa la xariira Walaaleynta iyo Iskashiga labada Magaalo, waxa ayna iska kaashan doonaan Sagaal qodob oo muhiim u ah dhaqangalinta heshiiskan.
1- Maareynta qashinka iyo warshadeyntiisa
2- Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan (Public transportation ).
3- Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adressing system )
4- Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .
5- Tababaradda
6- Dalxiiska
7- Isboortiga noocyadiisa kala duwan
8- Dhaqanka iyo
9- Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure ) .