Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, iyada oo howlgalka lagu soo qabtay dhallinyarada loo yaqaano Ciyaal weerada.
Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay gacanta kusoo dhigeen dhallinyaro farabadan oo Ciidamada ay sheegeen inay yihiin kuwa Ciyaal weerada oo dhibaato ku haayo shacabka degmada iyo rag kale oo isticmaalayay Mukhaadaraad.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xasiliyo amniga degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir oo xiliyada qaarkood ay ka dhacaan dilal qorsheysan oo geystaan kooxo ku hubeysan Bastoolado.
Guddoomiyaha degmada Deyniile Cabdishakuur Abuukar Macalin ayaa sheegay in ragga howlgalka lagu soo qabtay ay yihiin kuwo amni darrada qeyb weyn ka ah, isla markaana wuxuu tilmaamay inay la dagaalami doonaan Ciyaal weerada, kooxaha hubeysan, maandooriyaha iyo burcada dhaca u geysta shacabka.
Gaba-gabadii Guddoomiyaha degmada ayaa sahcabka degmadiisa degan ugu baaqay inay laamaha amniga kala shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida, wuxuuna sidoo kale ka codsaday waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlwalan falalka amniga lidi ku ah in ay caruurtooda ka warqabaan.