Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta lagu wadaa inuu dib ugu laabto Magaalada Garoowe, halkaas oo muddooyinkii dambe uu ka maqnaa tan iyo markii uu bilaabay ololihii doorashadii Madaxweynaha dalka.
Madaxweyne Deni oo doorashadii Madaxweynaha dowladda Federaalka, kadib safar ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa dib ugu laabanaya Garoowe, waxaana Magaaladaas ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo.
Socdaalka Madaxweynaha Puntland uu dib ugu laabanayo Caasimadda Maamulkiisa ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo khilaaf xoogan oo uu ka dhexeeyo isaga iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo sheegtay inuu la wareegay hoggaanka Puntland intii Madaxweyne Deni joogay Magaalada Muqdisho.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wada-hadalo hoose ay yeesheen Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Karaash, isla markaana lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay labada dhinac oo salka ku haayay Arrimo dastuuri ah.
Khilaafka labada dhinac ayaa xoogeystay markii Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu qaaday tallaabooyin waaweyn oo uu xilkii ugu qaaday Wasiirada Arrimaha gudaha, Amniga iyo Maaliyadda Puntland, kuwaasi oo aad ugu dhawaan Madaxweyne Deni.
Si kastaba Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa haatan horyaala caqabo badan oo ay tahay inuu wax ka qabto, waxaana kamid ah tabashooyinkii ka dhashay doorashadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.