Ruushka ayaa sheegay in ka badan hal milyan oo qof laga daadgureeyay Ukraine lana geeyey deegaannada uu Ruushka qabsaday tan iyo markii uu billowday duullaanka Ukraine.
Ukraine ayaa marar badan Moscow ku eedaysay inuu dadka ka soo daadgureynayo xadka, iyaga oo aan raalli ka ahayn si uu madax furasho iyo isdhaafsiga macabiista uu uga faa’ideysto.
Wasiir ku xigeenka beeraha Ukraine wuxuu Ruushka ku eedeeyey deegaannada ay qabsadeen iney ka dhaceeen boqollaal kun oo tan hadhuudh ah.
Kremelin waxay sheegtay iney ka warhayn eedda loo soo jeediyey ee ku aaddan xatooyada.
Sarkaal ka tirsan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in Ruushka uu isku dayay in maxaabiista rayidka ah ee Ukraine uu ku beddesho maxaabiista dagaalka ee Ruushka, taasoo mamnuuc ka ah heshiiskii Geneva.
Ruushka ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen caasimadda Ukraine, xilli uu dalka Ukriane booqasho ku joogay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay inay heegan gelisay hubka riddada dheer si loo beegsado warshadda gantaallada ee Kyiv.