Ruushka iyo Mareykanka ayaa Arbacadii isweydaarsaday maxaabiis inkasta oo ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dagaalka Moscow ay ku qaaday Ukraine.
Moscow ayaa Washington ku wareejisay askari horey uga tirsanaa ciidamada Mariiniska Mareykanka, ayada oo ku beddelatay duuliye Mareykanka loogu xiray inuu soo geliyey daroogo.
Trevor Reed, oo ah 30 jir kasoo jeeda gobolka Texas oo lagu xiray Ruushka 2020, ayaa lagu beddeshay Konstantin Yaroshenko oo ah 53 jir Mareykanka ku qaadanayey 20 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay 2011.
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in maxaabiis isweydaarsiga ay dhacday Arbacadii kadib “hanaan wada-xaajood oo muddo socday.â€
Joey Reed oo ah aabaha Trevor ayaa CNN u shegay in maxaabiista la isku weydaarsaday dalka Turkiga.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in is-dhaafsiga uu u baahnaa “go’aano adag oo aanu si fudud u qaadan.â€