Wareegga 1aad ee doorashada ayaa soo idlaaday waxaana ku tartamay todobo musharax oo ku tartamayay kursiga guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS.
Afarta Musharax ee helay codadka ugu badan ayaa kala ah Xasan Cabdinuur oo Helay 98 cod.
Cabdulaahi Black oo 33 cod helay, Sheekh Aadan Madoobe oo helay 74 cod iyo Aadan Saransoor oo helay 23.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirsaaq Cumar Maxamed oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in afarta Musharax ay u gudbeen wareegga 2aad ee tartanka, waxaa tanaasulay labo ka mid ah Xubnihii soo gudbay, kuwaasi oo kala ah Cabdulaahi Black iyo Aadan Saran-soor.